Jump to content

Wb/so/Beeraha

From Wikimedia Incubator
< Wb | so
Wb > so > Beeraha
Beeraha

Hordhac

[edit | edit source]

Soomaalidu waxay beeraha u taqaannaa dhulka lagu beerto dalagyada loogu tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha. Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.

Beeraha Somaliya ugu wax soo saarka badanni waxay dhacaan dhul beeraadka ku yaal labada wabi ee Shabeelle iyo Jubba.

Gobollada Beereedka Soomaaliya

[edit | edit source]

Gobollada Beeraha caanka ku ah waxey intooda badan dacaan koonfurta Soomaaliya sida Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Gedo,Bay, Bakool, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa kaloo jira gobolka Hiiraan oo asagana ku yaala bartamaha soomaliya in dadka badankooda ay wax soo saarkooda uu ku tiirsanyahay beeraha.


Dalagyada aad loo Beero

[edit | edit source]

Dalagyada aad loo beerto guud ahaan Soomaaliya iyada oo aan siday u kala badanyihiin aanan loo soo qorin waxaa ka mid ah: galay, masago, qamadi, digir, moos, liin, babaay, canbe, qare, basal, sisin, bocor, barbarooni, dabacaseeye, baradho (gobolka Bay), tuun, saytuun iyo mirro kale.

Dalagyada intaaan ka aheyn dhowr dalag sida liinta iyo cambaha, waxay beeraha badiyaa ku baxaan 3 bilood, ugu badanaan 5 bilood.

Geedaha cambaha waxay ku mirro dhalaan mudo ugu yaraan 5 sano ah. Liinta waa la mid. Geedka cambaha labo dhinac ayuu ka mirro dhalaa; dhan xili dhanka kalane xiliga xiga.

Nidaamka Qodaal Masno

[edit | edit source]

Qodaal masno oo ah wax ku cusub beeralayda Soomaaliyeed ayaa ah habka midaynta dalaga iyo xoolaha nool. Wadamada caalamka intooda badan ee leh dhulbeeraad isla markaane xoolo dhaqdso, beeralaydooda way mideeyaan falashada beeraha iyo xanaaneynta xoolaha nool sida lo'da iyo digaag oo sahal u ah in lagu xanaaneeyo beerta dhexdeeda ama agteeda.

Hilib iyo caano ayaa loo xanaanayn karaa xoolaha sidaas oo kale lagu dhafo beerta. Badiyaa lo'da dhul biyo badan kama maaranto sidaas darteedna ay sahal u noqon karto maaraynta beer iyo tiro lo' ah.

Mashaariicdii Horumarinta Beeraha

[edit | edit source]

Dowladii Kacaanka oo adeegsanayso wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo wakaaladaheedii, waxay dadaal farabadan galisay kobcinta waxsoosaarka wadanka. Waxaa la hormariyay beerihii ku yiilay dhulbeeereedka wadanka ee ku yaal wabiyaa laga soo bilaabo Jowhar, Jilib, Baardheere ilaa Luuq.

Mashaariicda dowlada ay ansixisay waxay iskugu jireen kuwo cilmiga beeraha kor u qaadayo iyo fidinta beeraha iyo badinta dalagyada ku saabsanaa.

Dejintii dadkii laga soo raray Abaartii Dabadheere ee 1974 degmooyinka Hobyo iyo Caynaba ayaa qoysas badan oo ka mid ahaa la baray beerofalashada.

Dhoofinta Waxsoosaarka Beerah

[edit | edit source]

Dowlada Soomaaliya ka dib markii ay qaramaysay hantidii wadanka ee gumaystaha maamulayay, ayaa dhowr sano gudahood waxay dowlada suuqiyo cusub u iibgaysay dalagyadii saa'idka (surplus) ku noqday wadanka. Intii ka horaysay 1970yadii, wadanka Talyaaniga unbaa qaadan jiray inta badan waxyaabaha sida aadka ah loo dhoofiyo sida mooska.

Barashada Culuunta Beeraha

[edit | edit source]

Jaamada Ummada laanteeda Beeraha ee Kulyada Beeraha Lafoole ama Agrario ayaa qayb libaax ka qaaadatay helitaanka farsamo cusub oo la xariirta beeraha. Waxaa maanta dalka ka jirta, nasiib wanaag, Jaamacadda Shabeelle, Kulliyadda Beeraha oo ay asaaseen waxna ka dhigaan barayaal ka soo baxay Agrario, lehna taqasusyo kala duwan: sida Prof. Hiraabe oo ah Hormuudka Kulliyadda, Prof. Shirwac, Prof. Jimcaale, Prof. Caseyr, Prof. Suufi, Prof. Xanafi, Prof. Hadaafow, Guure iyo kuwo kale oo si tabarruc ah ardada wax u bara.

Warkaan waxaa qoray Maxamed Cilmi Guure oo ka mid ah asaasayaasha Jaamacadda Shabeelle, Kulliyadda Beeraha.