Wb/so/Cilminafsi

From Wikimedia Incubator
< Wb‎ | so
Wb > so > Cilminafsi
sawir laga qaaday maskaxda Binaaamka

Cilmu nafsi waa cilmiga nafta lagu dhaqo lagu ogaado in ay bugto iyo inkale markaas dadka somaliga kuhadlaa aad ayay ugu baahanyihiin in ay wax kabartaan cilmiga nafta waayo somliya lagama yaqaano qofkasta oo cilmiga nafta ubaahan ama xanuun nafsi ahi uu hayaa waxaa loo yaqaanaa(nacas),ama qof waalan. Sidaa awgeed baa laga yaabaa dad badan oo xanuun nafsi ahi hayaa inaanay garan ama haddii ay dhakhtar la xidhiidhi lahayeen ka baqda in waali lagu tuhmo ama tilmaamo sidoo kale cilmi nafsiga waxaa lagu macneeya ain uu saldhig un yahay in qofku isku qaato wax uusan aheeyn Cilmi nafsigu waa barashada nafta iyo dabeecadeheeda iyadoo laga eegayo dhinacyo badan waxaa la ogaadaa naftu waxay diidayso iyo waxay doonayso iyo siday jawaab uga bixiso waxa la soo dersa oo jawaab bixintaasi isugu jirta mid dareen ah iyo mid hadal ama fal ay u soo gudbiso,haddaba nafba nafta kale sababaha ay uga gedisan tahay marka loo eego dhaqanka iyo dabeecada u gaarka ah waxaa dib loogu celiyaa oo loo sababeeyaa taariikh nololeedkeedii iyo waxyaalihii ay hore ula soo kulantay oo isugu jira deegaanka ay naftaasii ku noolayd iyo dadka ay la soo dhaqantay sidoo kale aqoon iyo waayo aragnimo nooca ay soo kasbatay ilaa iyo taariikh nololeedkeedii iyadoo naftu ku salaynaysa macluumaadka ku kaydsan maskaxdeeda ayaa nooca jawaab bixinteedu ku aroortaa hadba qarada iyo tayada iyo nooca ay kayd ahaan maskaxdeeda ugu hayso,haddaba waxa qofka la soo dersa oo Ingiriisiga la yidhaahdo effect,Carabigana musiir waxa jawaab celinta la yidhaahdaa react(ion)Carabigana mustajaab,waa waxa qofka ku soo derinaya iyo siduu ula dhaqmayo ama jawaab bixintuu keenayo,sidaynu hore u soo tilmaannay jawaab bixinta qaabkeeda iyo dabeecadeedu waxay ku xidhan yihiin oo dib ugu noqonayaan macluumaadka ku kaydsan qofkaa maskaxdiisa ha ahaadeen kuwo cilmi ah ama kuwo waayo aragnimo oo uu soo kasbaday noloshiisa.